Home Wararka Maanta Israa’iil oo loogu baaqay inaysan uga darin xiisadda ka aloosan bariga dhexe...

Israa’iil oo loogu baaqay inaysan uga darin xiisadda ka aloosan bariga dhexe Xilibay Aargoosi Qorshaynayso

0

Dunidu waxay eegaysaa jawaabta Israa’iil ay ka bixin karto weerarkii ay Iiran ku qadan dalkeeda, kaas oo loo adeegsaday diyaarado an duuliye lahayn iyo gantaallada. Laakiin xulufadeeda ayaa Israa’iil ku booriyey inaysan ugu darin xiisadda hada kacsan.

Madaxda dalalka reer galbeedka ayaa Israa’iil ku booriyey inay ka fogaato inay xaaladu sii xumaato.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay in Israa’iil ay “difaac ahaan ku guulaysatay” khilaafka kala dhexeeya Iran, ayna waajib tahay in aanay xiisad ka dhicin gobolka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku biiray baaqyada la jeedinayo Israa’iil ee ah in la ilaaliyo degenaanshaha, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu sameyn doono wax kasta oo suurtagal ah si looga fogaado xaalad xiisad abuurta.

Sidaas oo kale xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameroon ayaa BBC u sheegay “in Israa’iil ku saxan tahay inay u jawaabto Iiran, balse wuxuu ku booriyey ina taxaddaraan xilligan”

Sarkaal u hadlay Iiran ayaa sheegay in dalalka galbeedku joojiyana eedeymaha ay u jeedinayaan dalkiisa.

Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda oo Alshabaab Is aruursanaayay Ka Dul Dhacay
Next articleSidee buu u dhacay shilkii uu ku dhintay Abshir Gaarane? Markuu dhimanaayay waa dul taagnaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here