Home Wararka Maanta Israa’iil oo dishay hoggaamiye katirsan ururka Islamic Jihad

Israa’iil oo dishay hoggaamiye katirsan ururka Islamic Jihad

0

Israa’iil ayaa dishay hoggaamiyihii lixaad ee ururka Islamic Jihad (PIJ) ee Falastiiniyiinta, kadib weerar cirka ah ay ka geysatay Marinka Qaza, iyadoo dagaalka u dhaxeeya uu sii kordhayo.

Waxay sheegtay in Iyad al-Hassani uu hagayay hawlgallada kooxda xagjirka ah, tan iyo markii la dilay taliyihii isaga ka horreeyay Talaadadii.

Weerarkii Jimcihii, oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu qof kale ku dhintay, ayaa yimid ka gadaal markii gantaallo badan laga soo tuuray Qaza, kuwaasoo qaarkood gaaray meel u dhow magaalada Qudus.

Fursadaha xabbad-joojinta lagu hirgalin karo, ayaa u muuqda wax aad u yar, ka dib markii la isweydaarsaday hub.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Falastiini ah oo qeyb ka ah wada-hadallada dalka Masar ka socda, ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiinta Masar ay “fiidnimadii xalay soo bandhigeen hindise cusub oo xabbad-joojin ah, kaasoo hadda la darsay”.

Masar ayaa waxay sidoo kale sugaysay jawaabta Israa’iil ayuu raaciyey sargaalka Falastiiniga ah.

Ugu yaraan 33 Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza, ayaa lagu dilay halkaasi – oo kala bar ay yihiin rayid – tan iyo markii Israa’iil ay fulisay duqeymo xiriir ah oo xagga cirka ah subaxnimadii Talaadada, oo ay ku dishay saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ururka Islamic Jihad, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

147 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Hal qof oo rayid ah oo Israa’iili ah, ayaa ku dhintay shanna way ku dhaawacmeen gantaallo ay Falastiiniyiintu soo rideen isla muddadaas, sida uu sheegay adeegga gawaaridda gargaarka deg degga ah ee Magen David Adom ee Israa’iil.

Ad
Previous articleMagaalo kale oo ka Tirsan Soomaaliland oo uu ka bilowday kacdoon looga soo horjeedo Soomaaliland
Next articleOlolaha doorashada dalka Turkiga oo maraya heer gabo gabo ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here