Home Wararka Maanta isqabqabsi Xoogan ee ka dhalatay diyaarad gargaar sidda oo ay Kenya u...

isqabqabsi Xoogan ee ka dhalatay diyaarad gargaar sidda oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya

0

Dalka Kenya oo ka mid ah waddamada geeska Afrika ee ay sida ba’an u saameysay abaarta ayaa diyaarad sidda gargaar ugu deeqay dalka deriska la ah ee Soomaaliya. 

Deeqdan ayaa waxaa buuq iyo sawaxan ay ka abuurtay baraha bulshada iyadoo in ka badan rubuc ka mid ah dadka u dhashay Kenya ee ku nool dhulka xoola dhaqatadu dagaan iyo dhulalka oomanaha ah ay soo food saartay xaalad cunto yari ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Shixnaddan ayaa isugu jirtay raashiin kala duwan iyo dawooyin leh noocyo kala duwan, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in gargaarkan uu jawaab u yahay qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 120 qof.

“Qof u dhashay Kenya waa in uusan gaajo u dhiman iyada oo muwaadiniinta kale ee Kenya ay haystaan cunto dheeri ah,” ayaa laga soo xigtay madaxwayna ku xigeenka.

Diyaaradan sida gargaarka ee ay Dowladda Kenya u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay fal-celin ay baraha bulshada, sida Twitter-ka ku soo qoreen qaar ka mid ah madaxda iyo shacabka Kenyanka.

Babu Owino, oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Kenya, ahna mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu codka dheer ayaa dowladda Kenya ku dhaliilay tallaabadan.

Dadka arrintan ka hadlay qaarkood ayaa sheegay in gargaarka loo diray Soomaaliya looga baahnaa gudaha Kenya oo ay dada badan abaarta saameysay.

“Ma idinka Dhab baa, carruur ayaa ku dhimanaysa Turkana idinkana ma cunto ayaad u qaadaysaan Soomaaliya?,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka fal-celinta ku sameeyay Twitter-ka.

Qof kale ayaa isagana isweydiiyay su’aashan: “Sidee ugu dirtaa Soomaaliya diyaarad ay ka buuxaan cuntooyin, iyada oo dadkeenna ay gaajo u dhimanayaan? ma aha wax aqliga galaya.”

Qof kale ayaa soo qoray: “Yaa yiri waxaan haysannaa wax naga badan oo nagu filan oo aan bixinno?” Xilli roobabkii afraad oo baaqday ayaa sababaya mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee Bariga Afrika soo mara muddo tobanaan sano ah. Dalka Kenya dad ay tiradooda dhan tahay 4.2 milyan ayaa wajahaya cunno la’aan.

Abaarta ayaa si gaar ah u saameysay 24 ka mid ah ismaamullada ka jira dalka Kenya. Gobollada ay degaan dadka xoolo dhaqatada ah sida gobolka Soomaalida ee Waqooyi bari ayaa ka mid ah goobaha ay abaartan sida ba’an ay u saameysay.

Ad
Previous articleXildhibaan Xaadoole oo fariin ka soo diray degaanka Shalay laga xoreeyay Al-Shabaab ee shabeelada Dhexe
Next articleAbshir Macallin Idiris oo isku soo dhiibay ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here