Home Wararka Caalamka Isku dhex yaac iyo jahawareer ka taagan galbeedka Qasa oo taangiyada Israa’iil...

Isku dhex yaac iyo jahawareer ka taagan galbeedka Qasa oo taangiyada Israa’iil isaga baxeen

0

Jahwareer iyo qalalaase ayaa ka jira galbeedka magaalada Qasa ka dib markii taangiyada Israa’iil ay isaga baxeen halkaa oo ay ka wadeen cidamada dhulka howlgal laba maalmood. Kahor howlgalka, milatariga Israa’iil ayaa ku amray dadka deegaanka in ay isaga guuraan markii labaad muddo sagaal bilood gudahood ah.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay ku jahwareersan yihiin in amarka ka bixitaanka aaggaas uu weli jiro iyo in kale.

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayay in ay gaaraan deegaanka, iyadoo la soo sheegayo in meydadku ay waddooyinka yaallaan ka dib laba maalmood oo dagaal xooggan uu socday. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay isku dayayeen in ay burburiyaan awoodda milatari ee Xamaas, gaar ahaan – sida ay sheegeen – xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay galbeedka magaalada Qasa.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleMuxuu Yahay Dhaawac weyn ee Soo gaaray hanka soo laabasho ee Farmaajo?
Next articleDiyaarada Egypt Airline oo Dulimaad Toos ah Maantay Ka Bilowday Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyed oo ku Farxay