Home Wararka Maanta Isimada Puntland ayaa Iska Diiday Dalab uga Yimid Madaxweyne Deni

Isimada Puntland ayaa Iska Diiday Dalab uga Yimid Madaxweyne Deni

0

Madaxweyne Deni oo xariir la sameeyey Isimadda Puntland ee kusugan Boosaaso, ayaa ka codsaday in uu kulamo magaalada Qardho, maadaama Boosaaso ay u baahan tahay xaqiijinta Amniga, si qodobadii ay soo saareen ay iskula jeex-jeexan sida loo hirgalinayo.

Isimadda ayaa diiday dalabka Deni, waxayna sheegeen in halka ay xaajadu taalo tahay magaalada Boosaaso, ammaankeedana ay masuuliyad saaran tahay masuuliyiinta dawladda, halkaasna ay kusugayaan meelmarinta guddoonkii Isimaddu ay dhawaan soo saareen.

Warar hordhac ah ayaa cadeynaya in M/weyne Deni qorsheynayo safarkisa, balse kahor isbedelo kusameyn doono taliska ciidamada kala duwan qaarkood, gaar ahaana Daraawiishta oo durba ay soo baxayaan magacyo uu kamid yahay Amiin Xaaji Kheyr (Agaasimihii magacownaa ee PSF).

Deni ayaa diidan in uu dago Madaxtooyada oo ku dhaw-Xerada PSF, maadaama aysan wali jirin kalsooni buuxda oo dhinacyadu is aqbasheen ah

Ad
Previous articleSawiro: Ciidamo Ka Mid Noqon Doona Darwaaishata Galmudug oo Tababar Loosoo Xiray
Next articleMadaxweynaha Soomaaliland oo Usafray Dalka Dibadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here