Home Wararka Maanta Isimada ku shirsan Laascaanood oo ka hor yimid dhexdhexaadinta Madaxweynaha Jabuuti

Isimada ku shirsan Laascaanood oo ka hor yimid dhexdhexaadinta Madaxweynaha Jabuuti

0

Isimada gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag iyo Cayn ee magaalada Laascaanood ku shirayaayaa sheegay in aanay aqbalayn dhexdhexaadin la sheegay inuu wado Madaxweynaha Jabuuti.

Afhayeenka guddiga maamulaya shirka Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xassan Falaalug ayaa sheegay in aanay dhexdhexaadin aqbaleyn, kadib markii IGAD sheegtay in madaxweyne Geelle dhexdhexaadin ka galayo xiisada Laascaanood.

“Arrintaa diyaar uma nihin, hadii aanu nahay dadka gobolada waxa weli isbitaalada noo yaala dhaawicii ay gaysatay Somaliland, xaalada dadkayaguna waxay maraysa meel adag, magaalada 80% ama 90% waa laga qaxay” ayuu yiri Falaalug.

Waxa uu intaas ku daray inay maalin walba ka cabsi qabaan in ciidamada Somaliland ay soo galaan magaalada, sidaa darteed aanay ku jirin jawi ay wada hadal iyo waan waan Somaliland kula galaan.

“Meel ay ka shaqayso garan maayo qof aad qoorta kaga taagan tahay haddana aad leedahay ila hadal, meel ay ka dhacdaa ma jirto” ayuu hadalkiisa intaas ku daray.

“Ma jirto cid aan dhexdhexaadin ka aqbalayno, IGAD ha ahaato, Jabuuti, dowlada Soomaaliya ama dowladaha kale ee caalamka ilaa ciidanka Somaliland baxo Ismaaciil Cumar Geelle iyo IGAD ha saaraan ciidanka dadkayaga laayey”ayuu intaas ku daray.

Ad
Previous articleWaxay Qiratay Dilka Walaalkeed, Maxkamada Solna ee Dalka Sweden oo Xukun ku Riday Maanta
Next articleNin doonayay inuu baabi’iyo maydka qof uu dilay oo si layaab leh ku geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here