Home Wararka Maanta Iran oo u dirtay Israel digniintii ugu weyneyd. Haddaba, maxay tahay digniintan...

Iran oo u dirtay Israel digniintii ugu weyneyd. Haddaba, maxay tahay digniintan culus?

0

Iiraan ayaa sheegtay in haddii Israa’iil aysan joojin “dagaalka iyo xasuuqa”, ay xaaladdu faraha ka bixi karto ayna ka dhalan karto cawaaqib xumo ba’an.

Iiraan ayaa intaas ku dartay in mas’uuliyadda hubinta inaysna xaaladdu kasii darin ay la taallo Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka iyo dalalka qaar.

Goor sii horreysay, wuxuu kulan magaalada Dooxa ku dhex maray hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniya iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdullahian.

Amir-Abdullahian ayaa ammaanay weerarka Xamaas ay ku qaadday saldhigyada Israa’iil toddobaad kahor isagoo ku tilmaamay “guul taariikhi ah.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada Xamaas.

Sida ku xusan warsaxaafadeed ay soo saartay Xamaas oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, Amir-Abdullahian ayaa oggolaaday inay Xamaas kala shaqeeyaan sidii ay hadafkeeda u gaari lahayd.

Madaxweynaha Iiraan, Ebrahim Raisi ayaa qadka telefoonka kula hadlay amiirka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani. Madaxweynaha Iiraan ayaa yiri “Waxa ay dowladda Israa’iil sameysay maalmihii lasoo dhaafay waa dembi dagaal oo cad, xasuuq iyo meel ka dhac heshiisyada caalamiga ah.”

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA, wuxuu ficillada Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta ku tilmaamay “dembi ka dhan ah bani’aadannimada ” wuxuuna sheegay in Israa’iil ay u baahan tahay inay dgedeg uga laabato tallaabooyinkeeda.

Wuxuu mar kale ku celiyay isla hadalkii wasiirkiisa arrimaha dibadda uu yiri. Wuxuu sheegay in falcelinta Falastiiniyiinta ay tahay natiijada qabsashada Israa’iil ee dhulkooda 70 sano kahor iyo tacaddiyada goobahooda cibaadada.

Mar uu ka hadlayay Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa wuxuu madaxweynuhu sheegay in Mareykanka iyo dalalka kale ee taageeraya Israa’iil ay mas’uul ka yihiin dembiyada ka dhanka ah dadka Falastiin.

Madaxweyne Ibrahim Raisi ayaa sidoo kale la hadlay Sultan Hatim bin Tariq ee Cumaan waxayna ka wada hadleen in Israa’iil ay noqotay ‘mashiinta dagaalka’ iyo in QM, ururka dalalka Islaamka ee OIC, Ururka Carabta iyo ururrada kale ee caalamiga ah ay tahay inay soo hadlaan si loo joojiyo.

Sida laga soo xigtaywakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim, Ayatollah Seyyed Ali Khamenei ayaa magaalada Tehraan kula kulmay hoggaamiyaha Kacdoonka Islaamiga Ibrahim Zakzaky, wuxuuna yiri “waa mas’uuliyadda qof walba oo dunida Islaamka ku nool inuu caawiyo dadka Falastiin.”

Goor sii horreysay, kaddib markii uu dagaal ka dhex qarxay Israa’iil iyo Xamaas, Iiraan iyo Ciraaq ayaa codsaday inay kulan degdeg ah la yeeshaan ururka OIC.

Isniintii lasoo dhaafay, wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ayaa qadka telefoonka ku wada hadlay iyagoo ka wada xaajooday cilaaqaad labada dhinac ah, waxaa sidoo kale la isla soo qaaday arrinta Falastiin.

Ad
Previous articleWaayeel muslimiinta neceb oo lix iyo labaatan jeer toorrey ku dhuftay lix jir Muslim ah
Next articleQoor Qoor oo Mid kamid ah Golihiisa Wasiirada Xilka ka Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here