Home Wararka Maanta Iran Oo Iska Fogeysay Eedeyn Culus Oo Kaga Timid Isra’eel Iyo Reer...

Iran Oo Iska Fogeysay Eedeyn Culus Oo Kaga Timid Isra’eel Iyo Reer Galbeedka

0

Waxaa sii xoogeysanaya carada ka dhalatay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo dalalka reer Galbeedka ay ku eedeynayaan Iiraan, inkastoo ay Tehran iska fogeysay mas’uuliyaddiisa.

Safiirro dhowr ah ayaa looga yeeray wasaaradaha Arrimaha Dibadda, halka ay isasoo tarayaan hanjabaadaha ku aaddan in jawaab laga bixin doono falkaas oo isbuucii las oo dhaafay ay diyaarad drone ah ku qarxisay markabka.

Britain, Mareykanka iyo Israa’iil ayaa si cad u sheegay in Iiraan ay ka dambeyso weerarkaas, inkastoo ay iska fogeeyeen madaxda dalkaas, waxayna wacad ku mareen in ay sameyn doonaan wax walba oo ay ku waxyeelleynayaan danaha Iiraan.

Ad
Previous articleDaawo Sawirada Degmada Camaara ee Gobalka mudug oo dhawaan Shabaab Laga saaray
Next articleQaramada Midoobe wafdi ka socda oo soo gaaray Caasimada Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here