Home Wararka Caalamka Inta ay uurka ku jirtay Ayay qaaday Coronavirus Gabar yar oo Sweden...

Inta ay uurka ku jirtay Ayay qaaday Coronavirus Gabar yar oo Sweden ku dhalatay

0

Gabar yar oo ku dhalatay cusbitaalka Ostra ee magaalada Utbury dhamaadka sanadkii hore ayaa laga helay cudurka loo yaqaan ‘Covid-19’, kaliya 23 saac kadib dhalashadeeda.

Sida ay sheegeen dhakhaatiirta, fayraska waxaa gabadha loogu gudbiyay inta ay uurka hooyadeed ku jirtay taas oo ay dhaqaatiirtu u arkeen mid aan caadi aheyn kiiskan, sida lagu sheegay daraasadaha, waxaa jira kaliya kiisas yar oo la mid ah kan ilmaha yar.

“Dabcan waan walwalsanaa, maxaa yeelay ma aanan ogeyn halista uu cunugga la kulmayo,” ayay hooyadeed gabadha u sheegtay TV-ga Sweden .

Wayna sii wadatay, “Gabadhaydu waxay jirtay maalin uun markay jir tahay markii la caddeeyay inay iyadu, sidaan oo kale, qabto fayraska.”

Xaqiiqda ah in ilmuhu uu ku dhaco cudurka inta lagu guda jiro uurka waa wax aan caadi ahayn, marka loo eego daraasadaha la sameeyay.

Daraasad Ingiriis ah, oo lagu daabacay Lancet Child & Adolescent Health bishii Luulyo, waxay raacday 116 haween uur leh oo laga helay covid-19 oo midkoodna uusan u gudbin fayraska dhallaankooda inta ay uurka leeyihiin.

Hooyadu iyada oo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi, “Aniga iyo dhakhtarka waan la yaabnay markii ay ogaatay in gabadhaydu ay sidoo kale qabto fayraska. Aniga lafteyda waxaa iga lumay dareenkii urta iyo dhadhamintii.

Haweeneydu waxay xaqiijineysaa in qoysku ay heleen taageero daryeel caafimaad oo wanaagsan waxayna intaa ku dartay in iyada iyo gabadheeda ay caafimaad qabaan maanta.

Isbitaalka Skåne ayaa usbuucii la soo dhaafay shaaciyay in ilmo yar uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘Coronavirus’, dhalashadiisa ka dib, dhamaadkii sanadkii hore iyadoo loo aaneynayo inay tahay kiiskii ugu horeeyay ee noocan ah ee ka dhaca Sweden.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleBooliska Stockholm oo caawinaya Qoysaska Nawaaxiga järva Si Caruurta looga badbaadiyo Kooxaha Gangiska
Next articleMareykanka oo Fiiso ku Xujeeyay Afar Wadan oo Yurub ah iyo Dhaleecayn ka dhalatay