Home Wararka Maanta “In badan ayaanu taleefanka ka wada hadalnay” Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool...

“In badan ayaanu taleefanka ka wada hadalnay” Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Cody Gakpo oo shaaca ka qaaday qaabkii Virgil Van Dijk door ugu lahaa inuu Anfield ku biiro.

0

Saxeexa cusub ee kooxda Liverpool ee Cody Gakpo ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu daafaca ay dhalasho wadaaga yihiin ee Virgil Van Dijk door ugu lahaa inuu Anfield ku biiro.

Liverpool ayaa xalay si rasmi ah usoo bandhigtay saxeexa Gakpo oo heshiis guud ahaan 50 Milyan oo pound tagaya ugaga yimid dhinaca PSV Eindoven kaddib xilli ciyaareedyo heer sarre ah oo uu soo qaatay.

Gakpo ayaa mudo dheer lala xidhiidhinayay Man United isagoo xataa shaqsiyan ka warramay sida uu ugu dhawaaday u wareegista Old Trafford balse ugu dambayn ka degay kooxda uu xifaaltanka taariikheed kala dhaxeeyo.

Cody ayaa kaddib soo bandhigidiisa xalay shaaciyay in Virgil ay in badan wada hadlayeen maalmihii ugu dambeeyay isla markaana uu ku qanciyay in ku biirista Liverpool u tahay talaabada ugu wanaagsan ee horumarkiisa.

“In badan ayaanu taleefanka ka wada hadalnay maalmihii ugu dambeeyay” ayuu yidhi Gakpo oo xidhan doona maaliyada No.18 oo ay hore Dirk Kuyt iyo Michael Owen usoo qaateen.

“Wuxuu ii sheegay inay tani tahay talaabada saxda ah ee ay tahay inaan qaado iyo midii aan ku horumari lahaa ee aan ciyaartoy sidan kasii fiican ku noqon lahaa, inay kooxdu tahay koox weyn oo balaadhan balse sidoo kale ay tahay qoys – Waxaan filayaa inay taasi aad muhiim u tahay sababtoo ah anigu waxaan ahay nin qoys”

“Markii aan tababaraha la hadlayay waxa uu yimid qolka tababaraha (Van Dijk) kaddib wuu i arkay waxyar ayaananu wada hadalnay, anigu sidoo kale waan ku faraxsanahay inuu halkan joogo sababtoo ah waxyaabaha qaar ayuu iga caawin doonaa”.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleJeneraal odawaa oo Ka hadlay Sida Laga yeelaayo Ciidamada Laga Keenay Dalka Eriteeriya
Next articleDowladda Sacuudiga oo Shaacisay Go’aan ganacsato Soomaaliyeed ka farxiyay