Home Wararka Maanta Dowladda Sacuudiga oo Shaacisay Go’aan ganacsato Soomaaliyeed ka farxiyay

Dowladda Sacuudiga oo Shaacisay Go’aan ganacsato Soomaaliyeed ka farxiyay

0

Hay’adda guud ee cuntada iyo daawooyinka ee dalkaasi ayaa soo saartay go’aan farxad leh oo ku aadan in xayiraadii laga qaaday hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo soo dhoofin jirey Boqortooyada Sacuudiga.

Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay hilibka iyo xoolaha geela, lo’da iyo Idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo qoraal ay soo saartay hay’adda caalamiga ee Caafimaadka xoolaha, si loo qaado xayiraadii xoolaha Soomaaliya saarnayd sannadihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, rugta midowga ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa bilaabay inay Wareegto u kala diraan gugaha ganacsiga iyo macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in xayiraadii laga qaaday Soomaaliya.

Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa hilibka dhoofiya ayaa aad ugu farxay go’aankan kasoo baxay boqortooyada Sacuudiga , waxa ayna ganacsatan isku diyaarinayaan sidii hilib ugu dhoofin lahaayeen Sacuudiga.

Ad
Previous article“In badan ayaanu taleefanka ka wada hadalnay” Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Cody Gakpo oo shaaca ka qaaday qaabkii Virgil Van Dijk door ugu lahaa inuu Anfield ku biiro.
Next articleWaa Tan sababta ay Puntland u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay inay saxiixaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here