Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarshada Galmudug Mursal Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka dagmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi iyo masuliyiin kale ayaa si rasmi ah uga daah furay maanta magaalada Gaalkacyo Imtixaanka dugsiga dhaxe oo ay u fariisteen Arday gaareysa 600, kuwaas oo qeyb ka ah sadax kun oo Arday oo guud ahaan Imtixaanka u fariistay deegaanada Galmudug.
Ku xigeenka duqa Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa Ardayda kula dar daarmay dhowrista xeerarka Imtixaanka, isagoo dhan kalana u rajeeyay in ay noqdaan kuwa ka mira dhaliya waxbarashada.
Wasiiru diowlaha Wasaaradda waxbarshada maamul gobaleedka Galmudug Mursal Cabdi Aadan, ayaa sheegay in Ardayda Imtixaanka Dugsiyada dhaxe maanta u fariistay Gaalkacyo iyo guud ahaan Galmudug ay gaarayaan sadax kun oo Arday, halka magaalada Gaalkacyo ay u fariisteen imtixaanka lix boqal oo Arday.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka