Home Wararka Caalamka Imran Khan oo shaaciyay Magacyada Masuuliyiin ka dambeesay Weerarkii lagu dhaawacay

Imran Khan oo shaaciyay Magacyada Masuuliyiin ka dambeesay Weerarkii lagu dhaawacay

0

Nin hubeesan ayaa khamiistii lugta ka dhaawacay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, waxaa sidoo kale weerarkan ka dhashay khasaaro kale oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray qaar kamid ah taageerayaasha Imran Khan.

Weerarkan la doonayay in lagu dilo Imran Khan ayaana abuuray shaki badan, waxaana xisbiga Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan weerarkan ku tuhmayaan in dowladda ku lug leedahay ayna suurto gal tahay in ay soo abaabushay.

Imran Khan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan, waxa uuna ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha xilka haya ee Pakistan  inuu ku lug lahaa shirqool lagu dili lahaa.

Waxa uu sheegay in Ra’isul Wasaare Shahbaz Sharif inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarka lagu dili lahaa, wuxuuna intaas ku daray in qorshaha dilkiisa ay ku wehliyeen wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada.

Dowladda Pakistan ayaa beenisay eedeynta uga timid Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan, waxa ayna dowladda sheegtay in weerarkan uu ahaa mid uu ka dambeeyay shaqsi ay sheegtay in uu ahaa xagjir.

Weerarkan uu ka badbaaday Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan ayaa imaanaya xilli uu Khan wado abaabul ka dhan ah dalka Pakistan, waxaana horey dalkaasi loogu dilay madax xil heesay iyo kuwa kale oo xilal sare soo qabtay.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo arrin layaab leh ku aragtay Deegaan Al Shabaab Dagaal Culus kula Galeen
Next articleJen. Tuuryare Oo Sheegay Inay Jiraan Maamulo Diidan In Shabaab Dalka Laga Saaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here