Home Wararka Maanta IMF oo Shaacisay in Dowladda Soomaaliya ka gudubtay Shuruudo badan oo lagu...

IMF oo Shaacisay in Dowladda Soomaaliya ka gudubtay Shuruudo badan oo lagu xiray

0

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimeynta barnaamijka ECF ( Extended Credit Facility) ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo Geedi socodka Deyn Cafinta.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gudubtay dhammaan sharuudaha loo dajiyay in lagu hormariyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee loo yaqaano ECF kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago arrimaha Deyn Cafinta. Guddiga Sare ee Hey’adda IMF oo warbixintaan soo saaray ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta dib -u -habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha, waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah lagu bixiyo siyaasadda canshuuraha iyo dib – u – habeynta maamulka, oo ay ku jiraan casriyeynta kastamka iyo sharciga cusub ee canshuurta dakhliga.

Guddiga Sare ee IMF waxa ay si wayn u xuseen in waxqabadka barnaamijkane dib-u-habeynta dhaqaalaha uu ahaa mid xooggan, waxayna bogaadiyeen horumarka joogtada ah ee ay Dowladdu ka sameysay Geeddi-Socodka barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC) ee u gogol xaaraya in la gaaro dhammaadka sanadka 2023 ee dhamaystirka Deyn cafinta.

“Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey’adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya/ ECF waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday” ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ku saabsan dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxa aan soo dhaweynaa Warbixinta wayn ee ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF ee ku saabsan natajiida ka dhalatay shirarkii iyo wadatashiydii aan ka yeellanay dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

Warbixinta waxa ay muujineysaa isbeddel xooggan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaal Culus oo ka socda Gobalka Hiiraan iyo Faahfaahin Kasoo baxaysa
Next articleDegmada Guriceel oo Maantay Lagu Doortay Gudoomiyaha Degmadaas