Home Wararka Maanta IMF oo ku Hanjabtay inay Mushaarka Ciidamada joojinayso iyo Sababta oo la...

IMF oo ku Hanjabtay inay Mushaarka Ciidamada joojinayso iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa shaacisay in dib u dhaca doorashada Soomaaliya ay sababi karto in ay joojiyaan lacagaha ay ku taageeraan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa mushaar ahaan loo siiyo ciidanka dowladda.

Madaxa hay’adda  IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo, ayaa ka digtay dib u dhaca doorashada, waxa ayna xustay in ay joojin doonaan lacagaha mushaaraadka ciidanka iyo lacagaha kale ee dowlada ku taageeraan hadii doorashada sii daahdo.

Laura Jaramillo, ayaa sheegtay  in sababta u keentay welwelka ay tahay in 17ka May 2022 Xukuumadda Muqdisho laga doonayo in ay saxiixdo heshiisyo qabyo ah oo kala dhaxeeya IMF balse haddii daaha Doorashada uu dheeraado uu sii kordhayo walaaca ay qabaan.

“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran, “Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta” ayey tiri Laura Jaramillo,.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka dib dhacday muddo sanad ka badan, walina doorashada ayaa u muuqata mid sii jiitameysa oo mar kale dhaafeysa xilligii ay ku heshiiyeen gollaha wadatashiga Qaran.

Ad
Previous articleGuri uu leeyahay Cusaama Binlaadi Walaalkiis oo la wayay wax iibsada(Sawiro)
Next articleOdayaasha soo Xulaaya Ergada Dooranaysa Kuraasta Kala ah HOP265,HOP084, HOP266,HOP105, iyo HOP034

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here