Home Wararka Maanta Ilmayar oo Lagu Riday Musqul iyo Ciidamada Dabmiska Oo soo Badbaadiyay

Ilmayar oo Lagu Riday Musqul iyo Ciidamada Dabmiska Oo soo Badbaadiyay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, taas oo ay aad ula yaabeen dadka deegaanka.

Falkan ayaa lagu kala kacay ilmo yar oo dhawaan uun dhashay, kadib markii lagu riday musqusha guri ku yaalla degmada Maxamed Cali ee magaladaasi.

Ciidanka dab-damiska Somaliland oo gurmad ku gaaray goobta ayaa soo badbaadiyay ilmaha yar oo nool, waxaana ay geeyeen isbitaalka guud ee magaalada oo haatan lagula tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

“Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa habeenimadii xalay soo badbaadiyay Ilmo yar oo lagu riday Musqul Degmada Maxamed Cali. Ilaahay mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaas yar ka soo samata-bixiyaan Suuliga isagoo nool, waxaana ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Burco” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Horay dhacdooyin kuwaan la mid ah ayaa uga dhacay deegaanada Somaliland, kuwaas oo ay wax ka qabashadooda u howlgaleen ciidanka dab-damiska, sida lagu sheegay qoraalka.

“Marar badan ayaa Dhacdooyin noocan oo kale ah ciidanku caruur kaga soo badbaadiyeen Musqulo lagu riday ama ku dhacay” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Dhinaca kale waxaa farriin loo diray shacabka Somaliland oo laga codsaday inay ciidanka lasoo xiriiraan, haddii ay halis dareemaan.

“Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa dadka falalka noocan ee arxandaradaa ka waantoobaan, tallaabo sharciga waafaqsana la marin doono”.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka “Hadii aad la kulanto masiibo dab waxaad soo wacdaa lambarka gurmadka degdega ah ee 990 24 ka saacadood shirkadaha Telesom iyo Somtel”

Si kastaba, dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana laga hadal haayaa baraha bulshada oo lagu baahiyay sawirrada ilmaha yar oo lagula tacaalayo isbitaalka magaalada Burco.

Ad
Previous articleLix jeer ayaan qarax ka badbaaday, waxaa iigu xanuun badnaa kan oo wiilkeyga yar ila socday
Next articleDagaal qaatay 40 Sacaadood inkabadan oo Lagu Qabtay Burcadbadeed Soomaaliyeed Markab Xoog ku Haystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here