Home Wararka Maanta Ilhan Cumar oo Markii Sadexaad guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka...

Ilhan Cumar oo Markii Sadexaad guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka dhacday Mareykanka

0

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay, balse heesata dhalashada dalka Mareykanka Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guuleesatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Ilhan Cumar ayaa kursigan waxa ay kula tartantay musharax ka socotay xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Cicely Davis , waxaana ugu dambeyn kursigan ku guuleestay Ilhan Cumar oo katirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa noqotay  sanadkii 2018 qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka, waxa ayna mar kale ku guuleesatay in ay difaacato kursigan .

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay guushan ay ka gaartay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota , waxa ayna sheegtay in doorashadan tahay guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed.

Ad