Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Soo Afjarida Shabaab(Sawiro)

Dowlada Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Soo Afjarida Shabaab(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee aan waxba u reebban nolosha shacabka Soomaaliyeed, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan.

Mudane Cabdulqaadir Kaamil Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.Ra’iisul wasaarayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay soo afjarida Shabaab.

Ad
Previous articleCali Jayte Oo Shaaciyay Deegaanka Xiga Oo Ay Shabaab Ka Saarayaan Kadib Hiiraan
Next articleIlhan Cumar oo Markii Sadexaad guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka dhacday Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here