Home Wararka Caalamka Ilhan Cumar oo fariiin u dirtay Soomaalida ka dib guusheedii doorashada Mareykanka

Ilhan Cumar oo fariiin u dirtay Soomaalida ka dib guusheedii doorashada Mareykanka

0

Ilhan Cumar oo markii saddexaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay inay xilka ku guuleysato. mar kale.

“Aad iyo ayaan u faraxsanahay alxamdulilah waa guul kale oo ilaahey uu noo soo dhiciyay, waxaan rajeynayaa dadka kale ee walaalaheen ee tartamaya inay guuleystaan,” ayay tiri Ilhan.

Ilhaan ayaa dhanka kale bogaadisay Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota iyo sida ay u garab istaageen xisbiga Dimuqraadiga.

“Waxaan rabaa maanta Minnesota doorashada ka dhacday in tusaale ay u noqto walaalaheen Soomaalida qaarkood oo mar ka hadlayay in Jamhuuriga loo codeeyo, dadkaan ma aha dad anaga wax noo tari karo ama aan ku tashan karno aad ayaan ugu mahadcelinayaa Soomaalida oo si geesinnimo leh u aamintay inaan nahay dad la garab istaagi karo,” ayay tiri xildhiaban Ilhaan.

Ilhaan ayaa dhanka kale rajo ka muujisay in xisbigeeda Dimuqraadiga uu ku soo bixi doono aqlabiyada labada aqal ee baarlamanka Mareykanka

“Waxaan filanaynaa in labada aqal ee aqalka hose iyo aqalka sare gacanta dimuqraadiga ay ku jiraan inshAllaah waan arki doonaa saacadaha soo socda meesha ay ku dhammaan doonto,” ayay intaa ku dartay.

Ilhan Cumar ayaa farta ku fiiqday in haddii xisbigooda Dimuqraadiga uu ku guuleysto aqalbiyada labada aqal ay waxyaabo badan ka qaban doonaan arrimaha socdaalka iyo guryaha.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Somalia oo shaacisay dagaalo iyo duqeymo lagu dilay Shabaabkii ugu badnaa
Next articleIran oo Farriin hanjabaad cabsi galin ah u dirtay Boqortooyada Sacuudiga