Home Wararka Maanta Dowlada Somalia oo shaacisay dagaalo iyo duqeymo lagu dilay Shabaabkii ugu badnaa

Dowlada Somalia oo shaacisay dagaalo iyo duqeymo lagu dilay Shabaabkii ugu badnaa

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Gagaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 ka tirsan Alshabaab sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay DF

“Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka, Dhinaca kale Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra  ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka dowlada oo u sidan hoose ku bilowday.

Ad
Previous articleGo’an laga gaaray Markab siday Qaxooti oo Italy ku Xanibnaa
Next articleIlhan Cumar oo fariiin u dirtay Soomaalida ka dib guusheedii doorashada Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here