Home Wararka Maanta Ikraan Tahliil hooyadeed oo u jawaabtey Fahad Yaasiin

Ikraan Tahliil hooyadeed oo u jawaabtey Fahad Yaasiin

0

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashey Ikraan Tahliil, ayaa ka jawaabtey wareysi uu bixiyey taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qaali Maxamuud, ayaa carabka ku adkeystay in iyada qudheeda iyo nabadoono la socday ay ugu tageen taliyihii hore xafiiskiisa, si kiiska Ikraan Tahliil uu wax ugala qabto.

Waxey tilmaantey Qaali in markii hore uu soo dhoweeyey, ha yeeshee maalmo kadib uu go’ay xiriirkii ay la lahaayeen.

Qaali, ayaa ku adkeysatey in Ikraan Tahliil ay ku tuhmeyso dilkeeda inuu ka danbeeyey taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Hadalka Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa kusoo beegmey xili uu wareysi bixiyey Fahad Yaasiin, kaasoo ku eedeeyey dilka Ikraan Tahiil ra’iisal wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, iyo saraakiil kale oo katirsan dowladda Soomaalia.

Ad
Previous articleGudoomiye Cabdi Xaashi oo Sameeyey Magacaabis Doodbadan Ka Dhalatay
Next articleFalcelin Xoogan oo ka Dhalatay waraysigii Fahad Yaasiin ee uu ku eedeyey beesha Habargidir Dilkii ikraan Tahliil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here