Home Wararka Maanta Iiraan oo Gacanta ku dhigtay Marakiib Shidaal oo laga leeyahay Dalka Giriiga

Iiraan oo Gacanta ku dhigtay Marakiib Shidaal oo laga leeyahay Dalka Giriiga

0

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iiraan oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.

Masuuliyiinta dalka Iiraan ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iiraan uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh cayriin ah oo ku safrayay calanka dalka Iiraan, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanka isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Jamhuuriyadda Iiraan.

Hawlgalkan ay Ciidamada Iiraan kula wareegeen labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii Nukliyeerka ee ay la gashay qaar kamid ah quwadaha adduunka, Maaddaama Dehraan ay kobcinayso uranium badan oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Ad
Previous articlePuntland oo ku dhawaaqday tirada Ardayda u fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga
Next articleCiidamada Dowlada Soomaaliya Oo Qarax Culus lala eegtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here