Home Wararka Maanta Idiris Shikhoow oo caan ka ahaa Degamada Xarardhere oo qarax Ka dhacay...

Idiris Shikhoow oo caan ka ahaa Degamada Xarardhere oo qarax Ka dhacay Degmadaas ku geeriyooday

0

Warar Deeraad ah ayaa kasoo baxaaya Dhimashada Qarax ka dhacay Duleedka Degmada xarardheere ee Gobalka Mudug Qaraxaan ayaa La sheegay inay Alshabaab ku aaseen Wada soo gasha Magaalada Xarardheere.

Qarax ayaan haleelay Mid ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee ciidamada Dowlada soomaaliya kuwaas oo Roondo ku jiray intii uu shalay Xasan Shiikh Ku sugnaa magaalada Xarardheere.

inta La xaqiijiyay ilaa hada Waxaa ku geeriyooday Laba Askari oo kala aha Xooga Dalka iyo dadka Deegaanka Halka Dhawaawacyo culus ay soo Gaareen Ciidamo kale oo saarnaa Gaariga uu Qaruxu Haleelay.

Idiris Maxamed  Shiikhoow oo ahaa Dadka Deegaanka islamarkaasna ka mid aha Nabadoona Degamada Xarardheere ayaa la xaqiijiyay Dhaawac Culus oo soo Gaaray inuu Ugu danbay Ugeeriyooday.

Alshabaab ayaa maalmo kahor Qarax Miino U dhigay Gaari ay saarnaayeen Caruurta Idiris Shiikhoow kuwaas oo dhaawacyo Fudud Soo gaareen.

Idiris Shiikhoow ayaana aad ukala yaqaanay Wadooyinka Soo Gala Xarardheere ee Alshabaab ku imaan karaan kaas oo  ciidamada Dowlada ka caawin jiray Meelaha Alshabaab kasoo Dhagri karaan Ciidanka Xooga Dalka.

Sidoo kale Idiris ayaa ka mid aha Nabadadoonada Degmada Xarardheere ee Hubka qaatay Kadib Markii Alshabaab Laga Saaray Degmada Xarardheere , Maalmo ka hor ayay ahayd Alshabaab isku dayaayay inay Qabsadaan Degamada xarardheere lagala Hortagay Dagaal aad u qaraar oo ku dhawaad 7 saacadood socday kaas oo alshabaab lagu jabiyay Dibna loogu ceeliyay Goobihii ay kasoo weerartageen.

Ad
Previous articleWaa kuma ninka ay Iran aad uga carootay dilkiisa ee lagu tuhunsan yahay in Israa’iil duqeyn ku dishay?
Next articleAbiya Axmed Oo Soomaaligii Ugu Horeeyey Umagacaabay Kuxigeenkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here