Home Wararka Somaliya Somaliland Ictiraafka Somaliland: Sharci ay ku faraxday Somaliland ayayay meel mariyeen xildhibaannada Mareykanka.

Ictiraafka Somaliland: Sharci ay ku faraxday Somaliland ayayay meel mariyeen xildhibaannada Mareykanka.

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa soo dhawaysay hindise sharciyeed uu meel mariyay Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Xeerkan oo ah Qorshaha Difaaca ee Mareyknaka uu ku howlgalayo sanadka 2023-ka ayaa horseedi in uu iskaashi dhinacyo badan leh dhex maro dowladda Mareykanka iyo Somaliland.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in Baarlamaanka Mareykanka uu aqoonsaday istiraatiijiyadda ay leedahay Somaliland.

Bayaan ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in ay si wayn ugu riyaaqsan tahay hindise sharciyeedkaas lagu meel mariyay Koongareeska.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay u riyaaqday tallaabada uu Golaha Wakiillada Mareykanka ku ansixiyay sharci looga codsanayo wasaaradda arrimaha dibadda in ay daraasayn ku samayso xogna kasoo gudbiso arrimaha la xiriira dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amniga ee ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayay sidoo kale wasaaraddu kusoo dhawaysay horumarka laga sameeyay isu soo dhawaanshaha Mareykanka iyo Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si aad uga mahad naqaysaa sida ay Aqalka Wakiillada Mareyknaka uga go’an tahay in la xoojiyo wadashaqeynta Mareyknaka iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri.

Muxuu yahay sharcigan?

27-kii bishii May ee sanadkan ayuu hindise sharciyeedkan mooshinkiisa Aqalka Hor geeyay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, oo lagu magacaabo Adam Smith, kaas oo laga soo doortay degmo ka tirsan Washington.

Mr Adam oo Golaha xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1997-kii, ayaa codsaday in la meel mariyo xeerkan oo dhigaya in loo kuur galo sidii Somaliland loola kaashan lahaa howlo badan oo uu Mareykanku ka fuliyo Afrika iyo meelo kale.

Hannaan muddo socday kaddib, 14-kii bishan July ayaa hindise sharciyeedka lagu meel mariyay Golaha Wakiillada oo ay shir guddoomiso Nancy Pelosi.

Tallaabada xigta ee hadda lagu howlan yahay ayaa ah in karaaniga uu saxo qodobaynta xeerka, hab qoraalkiisa iyo arrimaha kale ee farsamo ee ee muhiimka ah.

Ad
Previous articleP.M Xamse ma Wuxuu Jabiyay Qodob Dastuuri ah Madaama uu dhaafay Xiligii loogu Talagalay inuu Wasiiro Kusoo Dhiso?
Next articleXog: Taliya NISA oo Safar ka Dhan ah Axmed Madoobe uu aaday Kenya