Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ugu yaraan 20 Shabaab ah oo isugu jiray saraakiil iyo maleeshiyaad lagu dilay howlgal ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalkaas ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Ugunji iyo Mubaarka ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 20 xubmood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay warkaan, xubnaha la dilay waxay isugu jireen “horjoogeyaal iyo maleeshiyaad waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.”
Howlgalkaan ayaa dhacay habeenkii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-kii bisha, wuxuuna Shabaab-ka la beegsaday ku howlgalkanaa abaabulka qorshe weerar oo ka socday dhulka hawd ah ee aagga u dhaxeeya labadaas deegaan.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Marka laga yimaado maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee la laayay waxaa kale oo jira maleeshiyaad kale oo baxsad ah, kuwaasi oo lagu daba jiro.”
NISA waxay qoraalkaan ugu mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee kala shaqeeya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Howlgalkaan ay shaacisay NISA in lagu dilay Shabaab-ka ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsaday duqeyn, in kastoo aan lagu shaacin qoraalkaan cir iyo dhul dhanka laga weeraray kooxda