Home Wararka Maanta Garaad Jaamac oo iclaamiyey dagaal cusub iyo go’aankooda ugu dambeeya

Garaad Jaamac oo iclaamiyey dagaal cusub iyo go’aankooda ugu dambeeya

0

Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa maanta si adag uga hadlay dagaalka dadka gobolka Sool kala dhaxeeya Somaliland, isagoo iclaamiyey dagaal cusub.

Sidoo kale Garaadka ayaa farriin culus u diray beesha Isaaq ee Somaliland, isagoo si cad u sheegay in Sool aysan wada deeqin Isaaq iyo Dhulbahante ama guud ahaan reer Sool.

Waxa uu sheegay in ay turaale ku jireen markii hore, maadaama lagu jirin bishii Ramadaan, laakiin ciidamada Somaliland aysan waxaba la harin, sida uu sheegay, isla markaana ay hada kadib u dagaalami doonaan si aan horay u dhicin.

“Qaniiyo-qaniiyo ayaa kaa fujisa, waxaanu caalamka iyo dowladda Soomaaliyeed u sheegaynaa dulqaadkii waa naga soo dhamaaday, wixii ka danbeeya maanta oo ciid ah, wax aan la hari doono ma jirto,” ayuu yiri Garaad Cali oo boqolaal bulsho ah kula hadlay Laascaanood.

Garaadka ayaa si gaar ah fariin ugu diray waxgaradka beesha Isaaq, isagoo ka dalbaday inay ciidankooda kala baxaan dhulka SSC, maadaama aysan dhici doonin in Hargeysa iyo Laascaanood dib loo mideeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadii reer Sheekh Isxaaq habayaraadee uu caqli ku dambeeyo, hanaga kaxeysteen carruurtooda, dalkeena hanooga baxaan oo guryahoodii haku noqdaan ‘ma dhaheyno gurigiin ba’yoo goob xun joogsada’e, waxaanu leenahay deegaankiina ku laabta,” ayuu Garaad Jaamac ku yiri farriinta uu Isaaq u diray.

Garaadka ayaa carrabkiisa ku adkeeyey sida ay u doonayaan midnimada Soomaaliya ilaalinteeda, “Wiilka Barbara jooga, waxaa naga xiga wiilka Soomaaliga ah ee Baydhaba jooga, anaga midnimaa na deeqda, wax kasta oo midnimada Soomaaliya ka hor imaanaya inaan ka hor tagnaa naga go’an,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Garaad Jaamac.

Ugu dambeyntii wuxuu cadeeyey in go’aankoodu yahay inay deegaankooda u tashadaan oo Soomaaliya ay ku soo biiraan oo cid Soomaali ka baxsan aysan taladoodu u daba fariisa doonin hadda kadib.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Socday Sudan
Next articleHowlgal qorshaysan oo lagu laayay Alshabaab Badan iyo Dowlada oo ka Hadashy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here