Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool ayaa maanta Howlgal lagu Ciribtirayo al-shabaab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur.
Howgalkan oo uu hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed G/lle Yoonis Aadan Xassan ayey ciidanku ku burburiyeen fariisimooyin ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanada Lukugooraw, Edaayin, Dabgal, Ceel la haley Ilaa kulan-jareer,
Qoraal ka soo baxay ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay inay jiraan khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay cadawga kadib markii ay isku dayeen iney iska caabin sameeyaan.
Lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaas oo ku soo beegmay xili Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay gobolada dalka ka wadaan howlgalo guud ahaan dalka looga ciribtirayo al-shabaab.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay