Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud toddobaadyada ugu horreeya waxaa laga sugayaa howla muhiim ah oo gudashada waajibaadka loo igmaday laf dhabar u ah.
Waxaanna qormadan kooban ku eegeynaa qaar ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee horyaalla Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xil la wareegid iyo Caleema saarka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii May loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya kaddib marki cod aqlabiyad ah uu wareeggi seddexaad uga guuleystay madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaana lagu wadaa 21-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah inuu xilka madxweynanimada uu si rasmi ah uu ula wareego una soo guuro Villa Somalia.
Ra’isul wasaare uu soo magacaabo
Madaxweyne Xasan Sheekh marka u xilka si rasmi ah uuu wareego kaddib howlaha ugu horreeya oolaga filayo waxaa ka mid ah inuu soo magacaabo ra’isul wasaarihi xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sida uu dhigayo Qodobka 90 (d) ee dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya wuxuu dhigayaa Madaxweynaha wuxuu magacaabayaa Wasiirka Koobaad (Ra’isul wasaaraha).
Madaxweynaha marka u Ra’isul wasaare soo magacaabana si codka kalsoonida loo siiyo waxaa uu hor geynayaa golaha Shacabka. Ra’isal wasaaraha marka magacaabistiisa uu baarlamaanka ansixiyo kaddib wuxu soo dhisayaa xukumadda Federaal ama golaha wasiirrada baarlamaanka codka kalsoonida ayuu qaadayaa.
Magacaabidda shaqaalaha xafiiskiisa
Madaxweyne Xasan Sheekh waajibaadki shaqo ee loo igmaday si uu u guto toddobaadyada ugu horereya waxaa laga filayaa inuu soo magacaabo shaqaaalaha xafiiskiisa.
Xafiiska Madaxweynahana wuxuu yeelan doonaa shaqaala u gar ah madaxweynaha oo shaqooyinka madaxweynaha uu qabanayo gacan ka siiyo howla uu u dirana qabta.
Magacaabidda Taliyeyaasha ciidamada
Awooda dastuuriga ah uu leeyahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah inuu magacaabo Taliyeyaasha Ciidamada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda.
Sida uu qabo qodobka 90-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah xarafka (c). Taliyeyaashaasi oo isku jira Ciidamada Xoogga dalkaoo isugu jira cirka, dhulka iyo badda iyo booliska qaybahooda kala duwan.