Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay shaqo joojin ku sameeysay horjooge Macallin Eyman oo kooxda u qaabilsanaa weerarada ay ka geysato xudduuda iyo gudaha dalka Kenya.
Macallin Eyman ayaa waxay saaxiibo dhow yihiin Salmaan Muhaajir oo ajaaniibta Al-Shabaab madax u ahaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, kadib markii dhawaan khilaaf soo kala dhex-galay madaxda sare ee kooxda lagu Jacfar Suudaani, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Warbixinta ay baahisay dowladda ayaa intaas kusii dareysa in ciidanka loo yaqaano ”Jeyshu Eyman” loo dhiibay nin lagu magacaabo Cabdisamad Nasta oo kasoo jeedo gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Tallaabada ay qaaday Al-Shabaab ayaa waxaa lagu tilmaamay mid u horseedaysa kooxda inay soo dhamaato awooddii ay ku laheyd gudaha Kenya, maadaama ay shaqo fariisin ku sameeysay nin si weyn u yaqaanay kooxdii uu hoggaaminayay iyo dhulkii ay dhibaatooyinka ka geysanayeen.