Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka oo ahaa mid isugu jiray cir iyo dhul ayaa si gaar ah loogu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka Intii uu socday in lagu dilay 15 maleeshiyaad ah iyo horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Bashiir Axmed Dhuxul oo loo yaqiinay Bashiir Caadle.
Horjoogahaan howlgalka lagu dilay ayaa la sheegay inuu ahaa Amiirka dhanka Dacwada u qaabilsanaa deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ee kooxda Al-Shabaab.
“Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul, oo loo yaqaanay Bashiir Caadle, kaasoo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.
Dilka horjoogahaan iyo maleeshiyaadka kale ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa difaaca deegaanka ay si weyn u kordhiyeen saacadahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Si kastaba ha ahaate ciidamada is kaashanaya waxaa u suurta gashay 24-kii saac ee u dambeeyay in kooxdu ka xureeyaan deegaanada kala ah Ruunirgood iyo Geelgub oo ka wada tirsan Shabeellaha Dhexe.