Home Wararka Maanta Hooyo Soomaaliyeed oo gowracday ilmaheeda oo lagu riday xukun adag

Hooyo Soomaaliyeed oo gowracday ilmaheeda oo lagu riday xukun adag

0

Maxkamad Heer Gobal oo ku taalla magaalladda Schweinfurt ee Gobalka Bavaria ee dalka Jarmalka waxay Khamiistii la soo dhaafay ee bishan March 2-dii la soo taagay Haweeney Soomaali ah oo la sheegay inay ku eedeysan tahay inay ilmo yar oo ay dhashay gawracday oo 8 jeer Tooreey la dhacday bishii August 6-dii ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Haweeneyda oo 28 jir ah waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’im ama Madaxaa ha ku furto ah, inkastoo uu xukunkaasi weli ahayn mid sharci ah, sababo la xiriirta Dukumeenti la’aanta awgeed.

Afhayeen u hadlay Maxkamadda ayaa sheegay inay Haweeneyda mindi ku gawracday ilmo yar oo 3 bilood jir ahaa gudaha Xarun ku taalla magaallada Bavaria oo Khaas u ah dadka Qaxootiga ee aan weli Go’aan laga gaarin Codsiyadooda Magangelyo-doonka .

Wakaallada Wararka Jarmalka ee DPA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inaysan weli kala caddayn waxa sababay Dembigaasi.

Qareenada u doodayey Haweeneyda dishay cunugeeda waxay ka codsadeen Xeer-Beegtida Maxkamadda in laga debciyo Xukunka lagu riday, iyagoo sheegay inay Haweeneyda isku buuqsanayd iyo inay doonaysay inay Saygeeda kala tagaan.

Dhinaca kale, Aabaha dhalay ilmaha la gawracay ayaa la sheegay in xilligii uu dilka dhacayey uu goobta ka fogaa ilaa dhowr boqol oo mitir.

Ad
Previous articleHaweeney Dishay Caruur ay Dhashay oo lagu fuliyey dil ay horey u codsatay
Next articleWaasarada Arimaha Dibada Soomaaliya oo uyeertay Safiirka Dalka Qatar u Fadhiya Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here