Home Wararka Maanta Hooyo iyo Laba Caruur ah oo ku Geeriyooday Dab ka kacay Gurigooda...

Hooyo iyo Laba Caruur ah oo ku Geeriyooday Dab ka kacay Gurigooda Xili ay Hurdaayeen

0

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dab gaystay khasaare nafeed oo xalay ka kacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah u qabsaday guri ku yaalla xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax, wuxuuna kacay abaare 4:00 subaxnimo.

Ciidanka dab-damiska Somaliland ayaa xaqiijiyay in dabkan ay ku geeriyootay hooyo iyo laba carruur ah oo deganaa hoyga uu xalay ka kacay dabka.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay taliska ciidanka dab-damiska ayaa waxaa lagu sheegay in gurmad ay sameeyeen kadib lagu soo bad-baadiyay afar carruur ah oo kale.

Ad