Home Wararka Maanta Hooyo Dhiig-bax ugu Geeriyootay Degmada Wisil ee Gobolka Mudug, Adeega MCH-ka oo...

Hooyo Dhiig-bax ugu Geeriyootay Degmada Wisil ee Gobolka Mudug, Adeega MCH-ka oo aan ku filneyn

0

AUN waxa ay xalay dhiig bax ugu geeriyootay degmada Wisil ee gobolka Mudug, Hooyo kamid ah Dadka Deegaanka ka dib markii ay ku umushay gurigeeda dhexdiisa.

Sababta ugu weyn ee hooyadan ku qasabtay in ay gurigeeda ku dhex umushu waa MCH-ka degmada oo aan laheyn adeeg caafimaad oo dhammeystiran iyo safarka ay magaalada Gaalkacyo ku gaari laheyd oo aan ku simeyn foosha, waana ayaan darro weyn in xildhibaannadii degmadan kasoo galay Golaha Shacabka iyo Aqalka sare aysan u kicin in degmadan hesho adeeg caafimaad oo tayo leh.

Isbitaalka degmada malahan agab caafimaad oo ku filan daryeelka bulshada ku nool, waxaa xusid mudan in ay tahay magaalo difaac uga jirta khawaarijta, ayna aheyd in ay hesho xarumo caafimaad oo tayadoodu sarreyso, tiiyoo ay jirto in ay gobolka joogaan dhakhaatiir xirfaddoodu sarreyso, oo ku filan daryeelka bulshadaas, balse ay la’yihiin dowlad xirfaddooda uga faa’ideysa dadka, una hirgalisa xarumo caafimaad oo dhammeystiran.

Dowladda Federaalka waxa ay dhawaan degmada Cadale ka hirgelisay isbitaal dhammeystiran oo leh agab caafimaad oo ku heer ah kuwa isbitaallada waaweyn ee Muqdisho, waxaa lagu howlgaliyay muddo ka yar toddobaad, waxaa la geeyay dhakhaatiir caafimaad oo xirfad sare leh, waxaa la geeyay daawo ku filan, wuxuuna daboolay baahiyihii caafimaad ee guud ahaan furimaha gobolka Sh/dhexe.

Maxaa degmada Wisil oo muddo 2 sano ah ku jirta dagaalka khawaarijta u diiday in ay hesho isbitaal tayo leh, lagu daweeyo dhaawacyada ciidamada furimaha Mudug, sidoo kalena ay bulshada Koonfurta Gobolka Mudug ka helaan adeeg caafimaad oo ku filan?.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWarar laga helayo Dil ka dhacay Muqdisho oo si Weyn looga naxay
Next articleWar Deg Deg Ah:- Wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Xilka iska Casilay