Home Wararka Maanta Hooyada carruurteeda ay ku jireen Hoteelka Xayaat oo ka warrantay sida carruurteeda...

Hooyada carruurteeda ay ku jireen Hoteelka Xayaat oo ka warrantay sida carruurteeda loo badbaadiyay.

0

Huteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho oo Jimcihii qaraxa lala beegsaday waxaa laga soo badbaadiyey dad boqol kor u dhaafaya sida ay sheegeen laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Dadka la soo badbaadiyeyna waxaa ka mid ahaa carruur ay dhashay hooyo Faadumo oo ku sugnaa qolkii ay huteelka ka daggaanaayeen xilligii uu weerarka billaabanayey, inkasta oo hooyo Faaduma Maxamed Cabdi ay xilligaa huteelka ka maqneyd.

Iyada oo huteelka ka maqan ayaa lagu soo wargeliyey huteelkii ay degganeyd inuu weerar ka dhacay weliba qaybta hoose. Dareenkeeda sida uu ahaa ayey warbaahinta uga warrantay.

“Walaasheey oo carruurteyda la joogtay ayaa I soo wacday. Waxayna ii sheegtay inuu qaraxu ka dhacay huteelka weliba qaybta hoose, anna waxaan ku iri ma hubtaa haa waan hubaa ayey igu tiri, xaaladdaas marka hooyo loo soo sheego qof kasta oo waalid ah qofkasta oo dareen leh xaalkaada sida uu noqonaya wuu dareemi karaa weliba carruurtaada oo ku jira huteel holcaya waxna aadan ka qaban karin,” ayey tiri Faaduma Maxamed Cabdi oo warbaahinta u warrantay.

Muddo afar saacadood dareenkeedu wuxuu ahaa mid aad u xannuun badan oo ah dareen ay hooyo maqasho kii ugu adkaa.

“Afrataa saacadood saacad walba waxbey isku baddaleysay mar dhiilla wanaagsanbaa la sheegayey marna dhiilla xunbaa la sheegayey marba sibey ahayd, hase yeeshee Alxamdulillaah carruurteyda waa la soo badbaadiyey,” ayey tiri Faaduma.

Seddexda carruurta oo ay Faaduma dhashay iyo walaasheed oo huteelka Xayaat uu qaraxa ka dhacay ku xayirnaa 4 saacadood kaddib waxaa soo badbaadiyey ciidamada ammaanka.

“Daqiiqado ka hor waxaan dareemayey dareen aad uga duwan kan aan dareemay markii aan carruurteyda helay runtii haddii dib la ii weydiyana adduunka intaan noolaa waxay ahayd wixii iigu farxadda badnaa oon helo markii iyaga oo soconaya oo ordaya oo weliba faraxsan ay ii yimaaddeen,” ayey tiri hooya Faadumo.

Waxayna sheegtay iney si aad ah ugu mahadcelineyso ciidmada Soomaaliyeed oo howlgalka shacabka lagu badbaadinayey qaybta ka ahaa sida ay dareenkeyga hooyonimo ay u ilaalinayeen iyada oo xaalad kasta oo adag ku jira war wanaagsan ii sheegayey ilana dareemayey hooyanimadeyda.

Waxay sidoo kale u mahad celisay umadda Soomaaliyeed ee dareenka la wadaagtay una soo duceysay saacadihii ay carruurteedu maqnaayeen.

 

 

Ad
Previous articleXaliimo Yareey oo Wacdaro Ka Dhigtay Doorasho lagu Qabtay Carabta Soomaaliyana Guul usoo Hoysay(Sawiro)
Next articleDowlad Carbeed oo ballanqaaday in gargaar Caafmaad oo Dibada ah u fidineyso dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hotelka Xayaat

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here