Home Wararka Maanta Hoolka Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha oo Ceeb Wayn ka Taagantahay(Sawiro)

Hoolka Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha oo Ceeb Wayn ka Taagantahay(Sawiro)

0

Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socota hadal jeedinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaa oo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka u bandhigaya barnaamijkooda siyaasadeed.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka oo la filayay in ay si weyn u dhageestaan hadal jeedinta Musharaxiinta soo bandhigaya barnaamijkooda siyaasadeed ayeysan dhicin, waxaana fadhiga ka maqan inta badan Xildhibaanada.

Teendhada Afisiyooni waxaa ku sugan tiro Xildhibaano ah oon ka badneed 50-tameeyo u badan kuwa taageersan musharaxiin qaar, waxaana teendhada sidoo kale ku sugan guddoonka labada aqal.

Waxaa muuqaneysa in Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka aysan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha aysan ku xulaneyn waxqabad iyo soo bandhigida barnaamij siyaasadeed balse lagu xulanayo dhaqaale iyo dano kale.

Musharaxiin badan ayaa ka niyad jabay hadal jeediinta iyo bandhigida barnaamij siyaasadeedkooda oo aysan fadhin xildhibaanadii ay codka ka dalban lahaayeen, waxaana jira musharaxiinta qaar in ay ka baaqdeen hadal jeedinta.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleHal Qoys oo Ku dhintay Hobiyeyaal Alshabaab ku Garaaceen
Next articleWafdi Heer Sare oo Maraykan ah oo Soo Gaaray Hargaysa Maxay Tahay Ujeedka Wafdigaan?