Home Wararka Caalamka Hoggaamiyihii Al-Qaacidda Ayman Al-Zawaahiri oo la dilay

Hoggaamiyihii Al-Qaacidda Ayman Al-Zawaahiri oo la dilay

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka circa ah ku dilay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri.

Waxa uu sheegay in shakhsiyan isaga uu amar ku bixiyay hawlgalkaasi oo Sabtidii ka dhacay caasimadda dalka Afqaanistaan ee Kaabuul.

Madaxweyne Biden wuxuu sheegay in Ayman Al-Zawaahiri uu ahaa ku xigeenka Cusama Bin Laden isla markaana uu aad ugu lug lahaa weerarkii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday gudaha dalka Mareykanka, weerarkaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Waxa uu sheegay in dilka Al-Zawaahiri uu soo afjarayo xanuunkii hayay qoysaska dadkii waxyeellada ay ka soo gaartay weerarkaasi.

Biden wuxuu sheegay in Al-Zawaahiri caddaaladda la mariyay, sidaa awgeedna uu Meesha ka baxay hoggaamiyahaasi Al-Qaacidda.

Waxa uu intaasi ku daray in dalka Afqaanistaan uusan mar dambe noqon doonin meel ay argagixisadu gabbaad ka dhigato.

Saacado ka hor inta madaxweyne Biden uusan warkan shaacin ayaa afhayeen u hadlay ururka Taalibaan Zabihullah Mujahid, waxa uu sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay gudaha magaalada Kaabuul balse marnaba ma uusan soo hadal qaadin dilka Ayman Al-Zawaahiri.

Waa kuma Ayman al-Zawahiri?

Ayman Al-Zawahiri, oo u dhashay dalka Masar wuxuu gacan ka geystay dhismaha kooxaha Jihaad-doonka ah ee gudaha Masar.

Waxaa lagu tilmaami jiray inuu gacanta midig u ahaa Cusaama Bin Laden, uuna wax badan ka abuuray fikradda uu ku dhisnaa ururka Al-Qaacida.

Al-Zawahiri wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay iskuulka Heliopolis, kaddibna wuxuu ku biiray jaamacadda Qaahira oo uu ka bartay cilmiga dhakhtarnimada ee qalliinka guud.

Ninkan wuxuu ururrada Islaamiga ah ku biiray isagoo aad u da’ yar, wuxuuna tagay meelo kala duwan oo ay fariisimo ku lahaayeen, ilaa uu markii dambe saldhigyo ka sameystay dalalka Pakistan iyo Afghanistan.

Sannadihii uu midwgii Soviet ciidamadiisa kala baxayay Afghanista, al-Zawahiri wuxuu sida la aaminsan yahay ku noolaa dalalka Bulgaria, Denmark iyo Switzerland.

Mararka qaarna wuxuu baasaboorro been abuur ah u adeegsaday safarro uu ku tagay waddmada Balkans, Austria, Yemen, Iraq, Iran, iyo Philippines.

Xukuumadda Washington ayaa mar Al-Zawahiri u aqoonsatay qofka labaad ee loogu doon doonista badan yahay, marka laga soo tago qofka koowaad oo ahaa Bin Laadin.

Wuxuu kaalinta labaad uga jiray liiska dadka loo heystay mas’uuliyadda weerarradii 1998-kii laga fuliyay safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar Al-Salam.

Ad
Previous articleMaxay tahay fadeexada iyo Xeebta ka dhex jirta Gudoomiyaha Baarlamaanka ?
Next articleDeg deg: Qarax Xoogan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaro ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here