Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye) oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Puntland.
Sidoo kale wuxuu ka digay in khilaafka uu sii socdo, isla-markaana laga haboon yahay in xaaladda la gaarsiiyo meel ka adag meesha ay hadda taagan tahay.
Waxaa kale oo uu ku taliyay in lagu laabto waxgaradka iyo dadka ay talada ka go’do si xal waara loogu helo khilaafka doorashada maamul goboleedka Puntland.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka Garoowe oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal ammaan darri, balse waxa uu qiray in caasimada Puntland ay tahay meel amnigeedu wanaagsan yahay, Laascaanoodna ay uga dayan doonto.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad cakiran laga dareemayao Garoowe oo ay ku wadan sugan yihiin ciidamo kala taabacsan xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.