Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hirshabelle oo xariga ka jaray Suuq Casri ah oo laga hirgaliyay...

Hirshabelle oo xariga ka jaray Suuq Casri ah oo laga hirgaliyay Matabaan (Sawirro)

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xariga ka jaray suuq wayn oo ganacsiga qudaarta ah oo laga hirgaliyay degmada Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay hay’adda dhistay suuqaan oo ah mid wax badan kusoo kordhin doona ganacsiga deegaanka, waxa uuna faray maamulka degmada in hada wixii ka dambeeyo ganacsatada qudaarta loo fasaxo ku ganacsiga suuqaan.

Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa shacabka reer Hirshabeelle ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan kor u qaadista ganacsiga ee dowladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

 

Ad
Previous articleMaamulka Gedo oo ka horyimid mudo korarsigii u samaystay Axmed Madoobe
Next articleRaila Odinga oo Wax lala yaabay ka Horsameeyey Maxkamada Sare ee Kenya Dacwadna Gudbiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here