Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hirshabeelle oo ATMIS siisay Amar la xiriira Garoomada Diyaaradaha deegaanadeeda Xili Cali...

Hirshabeelle oo ATMIS siisay Amar la xiriira Garoomada Diyaaradaha deegaanadeeda Xili Cali Jayte Xiray Garoonkii Baladweyne

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Hirshebeelle oo ka qabsoomay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, xaqiijinta nabadgelyada deegaanada xorta ah, iyo Dardargalinta iyo tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho garsoor cadaalad ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhowaan laga xureeyay Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga Garoomada Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Madaxweynaha iyo Golaha uga warbixyay Qorshaha Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay dardargalinta hanaanka garsoorka si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo cadaalad ah, isagoo sheegay si loo helo Garsoor aqoon leh in ay qaadeen Imtixaan daahfuran oo lagu xulayay Garsoorka Hirshabeelle oo hada meel-gabo gabo ah maraya.

Golaha Wasiiradda ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay Hindise sharciyeedka wadda-Marista oo hore Golaha ay ugu soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle.

Si kastaba, Amarka uu Wasiirka amniga Hirsabeelle ku faray ciidanka ATMIS inay xaqiijiyaan amniga Garoomada diyaaradaha Hirshabeelle ayaa yimid, kadib markii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Cali Jeyte uu sheegay in diyaarad sida mas’uul ka tirsan Hirshabeelle aysan kasoo degi karin Garoomada diyaaradaha Hirshabeelle, isagoo ku hanjabay inay soo ridi doonaan diyaaradii soo qaada.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Laascanood oo Dagaal Culus ka socdo
Next articleGalmudug oo Waaran Soo Qabasha ah Ujartay Maleeshiyaad Dhawaan Duleedka Dhuusamareeb ku laayaybDad. Safar ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here