Home Wararka Somaliya Galmudug Hirshabeele oo Toos ula Wareegtay Degmada Matabaan oo Galmudug mudo maamulaysay(Sawiro)

Hirshabeele oo Toos ula Wareegtay Degmada Matabaan oo Galmudug mudo maamulaysay(Sawiro)

0

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Abdirahman Kheyre oo ay weheliyeen Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Abdifatah Hassan Farah iyo Wasiiru- dowlaha Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Axmed Dhagacadde ayaa booqday Saldhigga Ciidanka Booliiska Degmadda Matabaan oo ku burburay Qarax ay ku xireen Al-shabaab 8 Bilood kahor.

Gudoomiyaha Degmadda Matabaan Bashiir Candiraxmaan Shekeeye oo ay weheliyeen ku xigeenkiisa Abdikafi Shire Colaad, Xoghayaha Degmadda Cawil Nuur iyo Taliyaha Booliiska Degmadda Abdullahi Aden ayaa Wafdiga Wasiirrada uga warbixiyay in Saldhigga uu burbur xooggan kasoo gaaray Qarixii ay ku xireen Alshabaab taas oo saameysay shaqadii uu Bulshadda u hayay sida qeybaha Garsoorka, Qololka lagu xiro eedeysanayaasha iyo Xafiisyadda Taliska Ciidanka Degmadda Matabaan.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Abdiraxmaan Kheyre ayaa balan qaaday in si deg deg loo dhisi doonno dhammaan qeybaha burburay ee Saldhigga isla markaana ay Wasaarradu qorshaasi diyaarisay si losoo celiyo Adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshadda u hayay Saldhigga Booliiska Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ad
Previous articleWaa Sidee Xiriirka Wilyam Ruuto iyo Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Xariga ka ka jaray Schoolka Huurshe (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here