Home Wararka Maanta Haweeyneyda Ugu Da’da Wayn Aduunka oo la shaaciyay iyo Da’da ay jirto(Sawiro)

Haweeyneyda Ugu Da’da Wayn Aduunka oo la shaaciyay iyo Da’da ay jirto(Sawiro)

0

Kane Tanaka, oo ah qofka ugu da’da weyn adduunka ayaa dhawaan jirsatay da’da 119 , sida laga soo xigtay farriin ay Twitter-ka soo dhigtay gabadh ay ayeey u tahay oo lagu magacaabo Junko Tanaka.

Kane oo u dhalatay dalka Japan waxay dhalatay sanadkii 1903, waxaana guursaday nin mehrad ganacsi ku lahaa dalkaas, waxay markii dambe ka shaqeyn jirtay mehradda ganacsi tan iyo markii ay gaartay da’da 103.

Gabadha ay ayeeyada u tahay ayaa baahisay sawirka dhalooyinka cabitaanka shirkadda Coca cola oo xusuus ahaa kuwaas oo haweeneydan la siiyay mar loo dabbaaldegayay dhalashadeeda, waxaana dhalooyinka lagu xardhay magaceeda iyo da’deeda.

“Waxay inoo tahay guul weyn in Kane Tanaka ay gaartay da’da 119, waxaan ku rajeynayaa nolol farxad leh” ayay tiri Junko

Ad
Previous articleBeesha Caalamka Ayaa Sheegtay in Dorashadi Dhacday khaladaad badan lagu arkay
Next articleShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay Maalintii 3aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here