Home Wararka Caalamka Haweeneyda Mareykanka ah ee ku kaliftay Shiinaha in uu cabbeysto gantaalladiisa riddada...

Haweeneyda Mareykanka ah ee ku kaliftay Shiinaha in uu cabbeysto gantaalladiisa riddada dheer

0

Afahayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa sheegtay in booqasheeda Taiwan looga golleeyahay in lagu caddeeyo in Mareykanka uu weli taageerayo jasiiradda iskeed iska maamuusho ee Taiwan.

Waa mas’uulkii ugu sarreeyay ee booqda Taiwan muddo 20 sano ah, booqashada Nancy Pelosi ee Tawian waxay ka careysiisay Shiinaha.

Nancy ayaa sheegtay in xiriirka Taiwan iyo Mareykanka uu mid sii xoogeysanayo kaas oo ku saleysan qiyamka ka dhexeeyo kadib markii ay kulan la qaadatay madaxweynaha sida dimuqraadig ah loo soo doortay haweeneyda lagu magacaabo Tsai-ing-wen.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha Tsai-ing-wen waxay in uu sii xooganeysanayo halista militeri ee lagu hayo jasiiradda sida iskeed ah isku maamusho balse Taiwan aysan u jaxaanjaxi doonin tallaabadaas.

John Kirby oo ah afhayeennka waaxda arrimaha qaranka Mareykanka ayaa sheegay in booqashada Nancy ee Taiwan ay la jaan qaadeyso siyaasadda Shiinaha isla markaana aan loo baahneyn in arrinta loo rogo qalalaase.

Daqiiqo kadib markii ay Pelosi ka degtay Taiwan, Shiinaha wuxuu sheegay in uu sameyn doono dhoolatus militeri oo maalmo qaadan doono oo ay kamid yihiin gantaallada riddada dheer oo uu ku garaaci doono agagaarka badda Taiwan.

Dowladda Taiwan waxay cambaareysay qorshaha Shiinaha eeku saabsan in dhoolatus militeri uu ka sameynayo agagaarka jasiiradda Taiwan- tallaabadaas oo ah jawaab ka dhan ah booqashada Pelosi.

Ad
Previous articleAl Shabaab oo Shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Cabdullaahi Waafoow
Next articleXildhibaanada Koonfur Galbeed ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Bilaabay olole ka dhan ah xukuumadda Shalay Lagu Dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here