Home Wararka Maanta Haweeney xabsiga la dhigay kaddib markii ay diiddey inay feerayso ”kastuumooyinka” ninkeeda

Haweeney xabsiga la dhigay kaddib markii ay diiddey inay feerayso ”kastuumooyinka” ninkeeda

0

Dulce Requena Garcia, 21-jir, waxay xabsiga ku qaadatay 12 saacadood magaalada Tampico, ee Mexico kaddib markii uu ninkeedu ka cawday inay diiddey inay dharka u dhaqdo una feerayso.

Markii hore arrintan waa lagu ganaaxay iyadoo lagu helay “inay khushmaan guri samaysay” kaddib markii booliiska loogu wacay khilaafka lamaanahan. Balse markii ay awoodi wayday inay bixiso lacagtii ganaaxa ninkeedana uu diidey inuu ka bixiyo, Dulce waxaa lagu xukumay inay 12 saacadood ku qaadato xabsiga.

Ninkeeda, oo ah darawal gaari taraagle ah, Edgar Ivan Perez Alvarado, ayaa sheegay in xaaskiisu ay ku eedaysay inuu qorshaynayey inuu la kulmo naag kale, sidaas darteedna aysan dharkiisa feeraynin.

Aad buu deeto uga xumaaday diidmadeedii iyo eedaynteeda, wuxuuna u yeeray booliiska si loo soo xiro. Waxa uu booliiska u sheegay in xaaskiisu ay waqti badan ku qaadato telefiishanka hortiisa oo ay dayacday inay qabato shaqadii guriga.

Wargayska The Sun ayaa qoray in gabadhan xabsiga la dhigay kaddib markii ay diiddey inay ”feerayso kastuumooyinka  ninkeeda”, waloow ay webab badani ku ekaysteen inay kaliya dharka feerayn waydey.

Ad
Previous articleSacuudiga oo u yeeray safiirka Sweden kadib falkii lagu gubay Qur’aanka
Next articleSomalia oo boos aad u wanaagsan ka gashay dalalka Afrika ee ku hadla afkooda hooyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here