Home Wararka Maanta Haweeney ku raad joogto dhakhaatiirtii caloosheeda uga dhex tagay maqaska

Haweeney ku raad joogto dhakhaatiirtii caloosheeda uga dhex tagay maqaska

0

Haweeney ku nool gobolka Kerala ee koonfurta dalka Hindiya oo sannado badan la daalaa dhacaeysay xanuun aad u daran kadib markii lagu sameeyay qalliin ayaa sheegtay in weli ay sugeyso in cadaalladda la horgeeyo isla markaana tallaabo lga qaado dhakhtarkii ku sameeyay qalliinka, weriyaha BBC-da Cimraan Qureyshi ayaa ka wareystay haweeneydan dadaallada ay ku raadineyso caddaalladda.

KK Harshina, oo 31 jir ah, ayaa sheegtay inay wajaheysay xanuun aan loo adkaysan karin oo dhanka caloosha ah muddo sannado ah, sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii baaritaan lagu sameeyay haweeneydan lagu ogaaday in caloosheeda looga soo dhax tagay maqaskii loogu sameynayay qalliinka.

“Xitaa, si faahfaahsan ugama hadli karo xanuunkii darnaa ee shanta sano aan dareemayay” ayay tiri Ms Harshina oo la hadleysay BBC-da.

Ms Harshina oo ah hooyo dhashay saddex carruur ah, waxay carruurtan dhammaantood ku dhashay qalliin.

Waxay labo kamid ah qalliinada ku martay isbitaal dawladeed oo ku yaal magaalada Thamarassery Kozhikode intii u dhexeysay 2012 iyo 2016-kii, qallinkii ugu dambeeyay waxay ku gashay kulliyada Caafimaadka ee dawladda ee degmada Kozhikode sanadkii 2017, waxaana halkaa ugu dhashay wiil.

Waxay sheegtay in wixii ka dambeeyay qallinkaas ay dareentay xanuun dhanka caloosha ah.

“Markii aan ka cawday arrinta, waxay dhakhaatiirta ii sheegeen in sababta aan u dareemayo xanuunka uu yahay in aan maray qalliin saddexaad, Sidoo kale waxaa la ii sheegay in dumar badan oo kale ay sidoo kale qabaan cabasho taas la mid ah.” ayay tiri Harshina.

Markii uu kusii batay xanuunkan, waxay la tashatay dhakhaatiir dhowr ah, dadaalladii ay ku raadineysay waxa ka dhashay xanuunka haya waxay kala kulantay dhaawac maskaxeed iyo mid maaliyadeedba.

Waxay ahayd Sebtembar 2022 oo keliya, markii ay baaritaanno lagu sameeyay infekshanka kaadiheysta kaadiheysta, ay ogaatay waxa dhibaatadu tahay – baaritaan la sameeyay ayaa muujinayay in bir gudaha ku jirto.

Bishii Sebtembar 2022 ayay aheyd markii baaritaan lagu sameeyay haweeneyda lagu ogaaday in qalab bir ah uu dhex yaallay caloosheeda.

Qalabkaas birta ahaa wuxuu dheerarkiisu ahaa 6.1cm halka balaciisu uu ahaan 5cm-oo ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan in ay ku xiraan xididdada dhiigga qaada marka ay qalliinka sameynayaan, waxaa lagu sameeyay qalliin kale si looga soo saaro qalabka.

Ms Harshina waxay u dacwootay wasiiru dowlaha caafimaadka ee degmada, Veena George, taasoo keentay in la magacaabo guddi soo baara arrintan. Isbitaalka Kulliyada Caafimaadka ee Dowladda ee Kozhikode ayaa sidoo kale sameeyay baaritaan gudaha ah oo ku aaddan dhacdan.

Isbitaalka Kulliyada Caafimaadka ee Dowladda ee Kozhikode ayaa sheegay in aysan jirin wax qalab qalliin ah oo ka maqan isbitaalka oo la waayay, Baaritaanka waaxda caafimaadka ayaa sidoo kale ku guuldareystay in uu soo bandhigo cidda dusha saaraneyso mas’uuliyadda dhibaatadan.

Baaritaano kala duwan oo ay dowladda samaysay ayaa awoodi waayay in la ogaado halka laga keenay qalabkii ama maqaskii qalliinka ee haweeneyda looga dhax tagay caloosheeda- labada isbitaal ay qalliinka ku gashay ma hayaan diiwaanka qalabka.

BBC-du waxay la xiriirtay Ms George si ay uga hadasho arrintan laakiin wali wax jawaab ah kama helin.

Horraantii, toddobaadkan Ms Harshina waxay ka soontay cuntada xilli ay ku sugan tahay afaafka hore ee isbitaalka iyadoo maamulka gobolka ka codsaneyso caddaalad si tallaabo looga qaado dadkii caloosheeda uga soo dhex tagay maqaska xilli qalliin lagu sameynayay.

Khamistii, hogaamiyayaasha Mucaaradka ee maxalliga ah ayaa ku qanciyay inay joojisoo cunta-ka soomidda, iyagoo sheegay inay saamaynayso caafimaadkeeda.

Ms Harshina ayaa joojisay cunto ka soomidda balse waxay si waddaa dadaallada ay caddaallada ku raadineyso iyadoo hor fadhida bannaanka isbitaalka.

“Halkan ayaa dibadbaxa kasii dhigi doonaa tan iyo inta aan caddaalladda ka helayo” ayay tiri haweeneyda.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo Talaabo adag ka Qaaday Soomaaliland Kadib Dagaalkii Laasacaanood
Next articleAyuub Cismaan Sheekh oo Horay uga Soo Goostay Alshabaab oo Xukun Adag Lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here