Home Wararka Caalamka Haweeney ku Dhaawacantay Toogasho ka dhacday Caasimada Stockholm

Haweeney ku Dhaawacantay Toogasho ka dhacday Caasimada Stockholm

0

Gabar dhalinyaro ah ayaa lagu toogtay oo lagu dhaawacay xaafadda Skarpnäck ee koonfurta Stockholm shalay fiidkii. Aftonbladet oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ayaa sheegay in gabadhan yar ay da’deedu tahay 18 jir.

Afhayeenka booliska Mats Ericsson ayaa sheegay in boolisku ay aaggaas ka bilaabeen howlgal ballaaran.

Booliiska ayaa helay warbixin ku saabsan inay maqleen dhawaqa rasaasta abaaro sagaalkii fiidnimo ee fiidnimadii Talaadada. Markii hore, bilaysku ma aysan helin qof dhaawac ah, laakiin markii dambe waxay ogaadeeb in ay dhacday toogasho.

Abaaro 10-kii habeenimo ayay boolisku sheegeen in gabar uu dhaawac fudud soo gaaray. Erickson waxa uu sheegay in gabadha markiiba lagu qaaday ambalaas.

Booliska ayaa goobta ka baadigoobayay dadkii looga shakiyay falkaasi iyaga oo adeegsaday diyaarad helicopter ah. Laakin wali cid looma qaban. Booliiska ayaa xiray goobta waxayna dib u dhigeen basaska SL ee Skarpnäcks allé.

Ad
Previous articleQaramada Midoobe Oo Shaacisay Talaabada Ay Qaadeyso Kadib Qaraxyadii Mataanaha ahaa ee Beledweyn
Next articleDab xalay kacay oo khasaare weyn u geystay suuqa weyn ee Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here