Home Wararka Maanta Haweeneey Xaday Cunug umul ahaa oo Muqdisho lagu Qabtay

Haweeneey Xaday Cunug umul ahaa oo Muqdisho lagu Qabtay

0

Ciidamada booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay haweeney cunug yar oo umul ah ka xaday hooyo Soomaaliyeed oo degan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Booliiska oo helay xogta haweeneyda cunuga yar kasoo xaday hooyadii gashay ayaa ku guuleestay in ay soo qabtaan eedeesanaha iyo sidoo kale cunigii dhallaanka ahaa ee soo xaday.

”Taliska ciidanka booliiska Qeybta guud ee gobolka Banaadir oo ka jawaabaya cabasho ay hooyo Soomaaliyeed baraha bulshada ku baahisay, taasoo ahayd in laga xaday canug yar oo 13 bari dhalalan ayaa gacanta ku soo dhigay canuugii iyo eedaysanihii qaaday 20-4-2023” ayaa lagu yiri warka booliiska kasoo baxay.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in cunuga yar ee lasoo helay loo diray isbitaal si xaaladiisa loola socdo, waxa ayna sheegeen haweeneyda eedeesanaha aheyd in xabsiga la dhigay laguna wado baaritaano ku aadan kiiskan.

Ad
Previous articleCiidamada ATMIS oo Ka Hadaly Hubka Dhigits uu Madaxweyne Xasan Shiikh dhawaan ku dhawaaqay
Next articleWAR DEG DEG AH: Sacuudiga oo Shaaciyay Maalinta Ay tahay Ciida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here