Home Wararka Caalamka Haweeneey ku Dhashay Suuli Diyaaradeed ka dibna Qashinka Ku Dartay

Haweeneey ku Dhashay Suuli Diyaaradeed ka dibna Qashinka Ku Dartay

0

Shaqaalaha Garoonka dalka Mauritius ayaa ilmo yar oo dhowaan dhashay ka dhex helay baaldiga khashinka ee suuliga diyaaradda.

Haweeney 20 jir ah oo u dhalatay jasiiradda Madagascar, oo looga shakisan yahay inay dhashay intii ay diyaaradda hawada ku jirtay ayaa la xiray.

Diyaaradda Air Mauritius, oo laga leeyahay Madagascar, ayaa 1-dii bisha cago dhigatay Graoonka Caalamiga ah ee Sir Seewoosagur Ramgoolam.

Saraakiisha garoonka ayaa soo helay ilmaha ka dib komeerka caadiga ah ee ay ku sameeyaan diyaaradda.

Waxay arkeen waraaqaha suuliga oo dhiig uu ku yaallo, kaddibna waxay ilmaha yar ula carareen isbitaalka.

Haweeneyda la rumeysan yahay inay dhashay ilmaha yar, oo markii hore inkirtay, ayaa la mariyay baaritaan caafimaad oo xaqiijiyay inay iyadu dhashay.

Ad
Previous articleMaxaabiis caawa ka Baxsaday xabsiga Guriceel
Next articleRa’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry oo ka badbaaday isku day Sil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here