Waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay dhacdo hadal hayn dhalisay oo ku saabsan dil loo geystay haweeney da’ ah oo la sheegay in loo adeegsaday Midi.
Dhacdadaan ayaa horseedday muran ku saabsan in haweeneyda loo dilay aano qabiil, sida dadka qaar ay ku qoreen baraha bulshada, halka kuwa kalena ay sheegayaan in dilkaas uusan salka ku heyn aano qabiil.
Qaar ka mid ah ehelka haweeneyda la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu ka xanuunsanaa dhimirka, iyagoo beeniyey hadalladii lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegayey in aano qabiil loo dilay haweeneydaas aheyd 75 sano jir.
Waxa uu sheegay in dhacada xanuunka badan ay ka dhacday magaalada Laascaanood, gaar ahaan guri ku yaalla xaafad lagu magacaabo Daami, dilkana uu geystay walaalkii oo sannadkii 1998-dii ka xanuunsaday dhimirka.
Wuxuu sheegay in tooreyda uu uga dhuftay garabka, kadibna ay ku dhimatay isla goobta, kadib markii ay dhiig baxday.
Xarunta Manhal oo ahayd meel lagu dabiibo dadka dhimirka ka xanuunsan ayuu sheegay inay shaqadii joojisay markii ay bilowdeen dagaaladii Somaliland iyo dadka deegaanka Laascaanood, maadaama dhismihii xarunta uu ku burburay madaafiic ku soo dhacday.