Home Wararka Caalamka Haweenay Lagu Riyooday ayadoo Diinta islaamka Ku Xadgudbaysa Kadibna Qoorta Laga Jaray(Cajiib)

Haweenay Lagu Riyooday ayadoo Diinta islaamka Ku Xadgudbaysa Kadibna Qoorta Laga Jaray(Cajiib)

0

Taliska booliska ee ka howl gala xaafadda Dera Ismail Khan, oo ka tirsan degmada Khyber Pakhtunkhwa ee ku taalla dhinaca galbeed ee dalka Pakistan ayaa sheegay in saddex dumar ah lagu eedeeyay inay dil u geysteen macallimad da’ yar, kaddib markii ay tagtay madaraso ay wax ka dhigeysay.

Falkan ayaa dhacay subaxnimadii Talaadada, booliskuna waxay durbadiiba billaabeen baadhitaan, iyagoo xabsiga u taxaabay saddexda haweenka ah ee la tuhunsan yahay.

Sida ay sheegayaan wararkii hordhaca ahaa, kiiskan waxaa xilligaas ka hor diiwaan geliyay nin abti u ah gabadha la dilay.

Gabadha abtigeed ayaa booliska u sheegay in maamulaha madarasada ay gabadha uu abtida u yahay baraha ka ahayd uu soo wacay aroornimadii Talaadada, uuna u sheegay in gabadhiisa la weeraray, dad toori watayna ay ku gowraceen albaabka madarasada.

Saraakiisha taliska booliska deegaanka Dera Islam Khan ayaa warfidiyeenka u sheegay in saddex dumar ah oo wadajir ahaa ay dileen gabadha 21 jirka ahayd.

‘Riyo ayaa lagu arkay iyadoo diinta ku xad gudbaysa’

Taliyaha saldhigga ayaa sheegay in “baaritaannada hordhaca ah ee lagu sameeyay dumarkaas ay muujinayaan in qof kale oo qaraabo la ah haweenkan uu riyo ku arkay gabadha oo ku xad gudbeysa diinta Islaamka, sababtaasina ay tahay tan keentay in la dilo”.

Waxa uu taliyuhu intaas ku daray: “Waxaan sidoo kale weli baaritaan ku haynaa dhacdadan oo aan ka eegeyno dhinacyo kale, waxaana isku dayeynaa inaan xaqiijinno in sababtu ay ku timid riyo iyo in ay wax kale jiraan.”

“Waxaan u tagay gabadheyda oo qoorta laga gooyay”

Markii uu booliska u warramayay ayuu yidhi: “Islamarkii uu warka isoo gaadhayba waxaan deg deg ku tagay goobta, waxaana halkaas ugu tagay gabadha aan abtiga u ahay oo uu dhiig wada qariyay oo taalla albaabka madarasada. Qoorta ayay ka go’neyd, meyd ayayna ahayd.”

Abtiga ayaa sheegay in, sida uu warku ku soo gaaray, gabadhu markii ay si caadi ah madarasada u tagtayba ay halkaas kusii sugayeen haween xiran labiska madarasada, kuwaasoo weerar u geystay iyagoo wata tooriyo iyo hub kale oo af leh, sidaasna ay ku gowraceen.

Dadka deegaanka ayaa goob joog u ahaa dhacdadan, sida uu abtiga ku warramay.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Gubay Tuulooyin u dhow Degaanka Bajeela ee Koonfurta Mudug(Sawiro)
Next articleDeg Deg: Gaari Kasoo Baxay Hobyo oo Alshabaab Wadada Ku Qarxiyeen iyo Qasaaro ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here