Home Wararka Maanta Harry Kane iyo Son Heung-min oo xalay jabiyey rikoorkii horyaalka Premier League,

Harry Kane iyo Son Heung-min oo xalay jabiyey rikoorkii horyaalka Premier League,

0

Labada weeraryahan ee Tottenham ee Harry Kane iyo Son Heung-min ayaa xalay jabiyey rikoodhkii horyaalka Premier League, kaddib markii ay wadar ahaan u dhaliyeen saddex gool kulankii ay kooxdoodu 4-0 ku khaarajisay Crystal Palace.

Spurs ayaa kusoo laabatay jidka guusha, waxaanay saddex dhibcood iyo afar gool kasoo xoogeen Crystal Palace, kaddib laba ciyaarood oo aanay wax guul ah helin oo uu tababare Antonio Conte ku cataabay in ay nasiib leeyihiin haddii ay kaalinta shanaad ama lixaad kaga dhamaystaan horyaalka.

Brentford ayaa barbarro ku qabatay, ka hor intii aanay Aston Villa ku garaacin 2-0, taas oo keentay in Tottenham ay lumiso kaalinta afraad oo ay Manchester United kala  wareegto.

Cadhadii ayay xalay kula dhaceen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Crystal Palace, waxaana laba gool is-raaciyey Harry Kane halka ay labada kalena ku dareen Matt Doherty iyo Son.

Harry Kane ayaa labada gool ee uu dhaaliyey waxay tirada goolashiisa  horyaalka Premier  League ka dhigeen 198 gool isaga oo ciyaaray kaliya 300 kulan, waxaanu jabiyey rikoodhka ciyaartoygii ugu goolasha badnaa horyaalka ee Alan Shearer, kaas oo 196 gool dhaliyey 300 kulan oo uu ciyaaray.

Weeraryahanka reer Koonfur Korea ee Son Heung-min ayaa isaguna ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Marc Guehi oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 72aad, waxaana uu rikoodhka la wadaagay Harry Kane, waxaanay shabaqa soo wada taabteen 34 ciyaarood oo horyaalka ah, waxaanay sidaas ku dhigeen rikoodh cusub.

Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa hore u haysan jiray rikoodhka labada ciyaartoy ee iska-garab dheelaya ee goolashii ugu badnaa ka dhaliyey kulamadii ugu badnaa, waxase xalay rikoodhkooda meesha ka saaray Kane iyo Son.

Ad
Previous articleDibadbaxyo lagu Taageeraayo Isbadalka ka Dhacay Laasacaanood oo ka Shacay Boosaaso(Sawiro)
Next articleQoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug Arimo Muhiim ahna Kala Hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here